Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd.

0
14

Talaado 31 March 2026 {HMC} Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid ka mid ah maraakiibteeda waaweyn ee shidaalka qaada, kaas oo ku xirtay deked ku taalla Dubai.

Shirkadda Kuwad Petroleum Corporation ayaa ku tilmaantay dhacdadan “duqeyn cirka ah oo naxariis darro ah oo ay fulisay Iiraan,” waxayna sheegtay in markabka waxyeello soo gaartay balse aysan jirin wax khasaare nafeed ah.

Markabka shidaalka qaada ee la yiraahdo “Al-Salmi” ayaa si buuxda ugu rarnaa saliid xilliga weerarka, taasoo sababtay inuu isla markiiba dab qabsado kadib weerarka.

Mas’uuliyiinta Dubai ayaa sheegay in weerarka ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn dabkana la xakameeyay saacado yar kadib.

Waxaa la sheegay in dhammaan 24-kii shaqaale ee saarnaa markabka ay ka badbaadeen weerarka.

Kuwayd ayaa markii hore ka digtay suurtagalnimada daadashada shidaalka kadib weerarka, balse sida ay sheegtay hay’adda UK ee Maritime Monitor, “wax saameyn deegaan lama soo sheegin.”

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in markabka Al-Salmi uu waday laba milyan oo foosto oo saliid ah oo ka timid Kuwayd iyo Sacuudi Carabiya,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here