Talaado 31 March 2026 {HMC} Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa ku koobnaaday oo keliya iska difaacaya weerarradaas, iyagoo aan weli qaadin tallaabooyin ka dhan ah Tehran.
Khubarada ayaa aaminsan in midnimada dalalkan ay tahay mid jilicsan, gaar ahaan marka la eego saameynta xiriirka ay qaar kood la leeyihiin Israa’iil.
Sidoo kale, dalalkaan ayaa ka fogaanaya in dagaalka sii faafo, isla markaasna ay xaaladda mid ay socon waayaan dadaallada wada hadallada.
Khaliijka ayaa doorbidaya siyaasadda deganaanshaha intii ay geli lahaayeen iska horimaad toos ah oo gobolka ka qarxa.
Ma jiro illaa hadda dal ku yaalla khaliijka oo jawaab ka bixiyay Duqeymaha Iiraan, waxaana saacadihii la soo dhaafay tiro duqeymo ah ku dhaceen dalalka Imaaradka iyo Sacuudi Carabiya.



