Arbaco1 April 2026 {HMC} Wefti heer sare ah oo ka tirsan Ciidamada Faransiiska ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo kormeeray xarunta Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya EUTM-Somalia, halkaas oo lagu tababaro cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Weftigan oo uu hoggaaminayay Sarreeye Gaas Sebastien Valette, oo ah Taliyaha Ciidammada Faransiiska ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti, ayaa u kuur-galay hannaanka ay u socdaan tababarrada ay bixiyaan khubara Midowga Yurub iyo sida loo tayeeyo awoodda difaac ee ciidanka Soomaaliya.
Hoggaanka Howlgalka oo soo dhoweeyay weftiga ayaa xusay in Faransiiska kaalin ka qaadanayo dadaallada ay wadaan Midowga Yurub ee ku aaddan taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Booqashadan waxay mar kale xaqiijisay iskaashiga Midowga Yurub uu ku taageerayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu sugayo amniga gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay EUTM-Somalia.
Midowga Yurub ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tababarayo Ciidanka Xoogga Dalka si ay awood ugu yeeshaan dagaalka AS.



