Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay markabkii ugu horreeyay ee qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka.

0
33

Khamiis 2 April  2026 {HMC} Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay markabkii ugu horreeyay ee qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo dib u soo nooleyneysa sumcadda iyo awoodda badda ee dalka.

Markabka la diiwaangeliyay oo lagu magacaabo “Guney” (IMO 8230417) ayaa hadda si rasmi ah loogu diiwaangeliyay calanka Soomaaliya, kadib markii la dhammeystiray dhammaan shuruucdii iyo nidaamyadii looga baahnaa dal kasta oo bixiya calan maraakiib.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in tallaabadan ay astaan u tahay horumar weyn oo laga gaaray dib-u-dhiska hay’adaha badda iyo kalsoonida caalamiga ah ee Soomaaliya.

“Maanta waa maalin muhiim ah oo muujinaysa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay kaalinteedii caalamiga ahayd ee dhinaca maraakiibta,” ayuu yiri wasiirku.

Diiwaangelinta markabkan ayaa timid kadib heshiis is-afgarad (MoU) oo Wasaaraddu la saxiixatay shirkadda Somali Ship Register Limited, taas oo lagu aas-aasayo diiwaan rasmi ah oo maraakiibta adeegsata biyaha Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu sahlo in milkiilayaasha maraakiibta ay si fudud ugu diiwaan geliyaan maraakiibtooda calanka Soomaaliya.

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ugu baaqday ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan cusub, ayna ku diiwaan geliyaan maraakiibtooda calanka qaranka, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay Tallaabadan mid qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Xukuumadda ay ku xoojineyso maamulka iyo horumarinta kheyraadka badda, iyadoo la hiigsanayo in Soomaaliya ay noqoto dal la tartama kuwa kale ee hormuudka ka ah adeegyada maraakiibta caalamka.

Waa Markii ugu horreysay burburkii kadib uu magaalada Muqdisho ka dhaqaaqay Markab ku diiwaan-gashan magaca Soomaaliya islamarkaana uu ka dul-babanayo Calanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here