Trump oo Soomaaliya ku Tilmaamay dad tuuga ah.

0
22

Khamiis 2 April  2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo culus oo dhaliil iyo weerar isugu jira u jeediyay Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku sheegay in Soomaalidu yihiin dadka ugu garaadka liita adduunka.

Trump ayaa hadalkiisa ku bilaabay eedeyn ku saabsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, isaga oo yidhi: “Soomaalidu way ina xadeen, waxay inoo yimaadeen iyagoo caydh ah; maanta waxay wataan baabuur qaali ah sida Mercedes.” Hadalkan ayuu ku muujiyay aragtida uu ka qabo isbeddelka nololeed ee Soomaalida dibadda ku nool.

Isagoo sii wata hadalladiisa, Trump ayaa sawir madow ka bixiyay xaaladda Soomaaliya wuxuuna ku tilmaamay dal aan lahayn dowlad shaqaynaysa, booliis iyo nidaam sugan, isla markaana uu sheegay in ay ka jirto colaad joogto ah oo ay dadka is dilayaan maalin iyo habeen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaalida guud ahaan ay yihiin dad “wada xun,” isla markaana uu ku tilmaamay Soomaaliya meel ka mid ah kuwa ugu khatarta badan adduunka, isaga oo intaas ku daray in ayna jirin adeegyo dowladeed oo dhameystiran.

Trump ayaa hadalkiisa ku daray eedeyn la xidhiidha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, isaga oo ku andacooday in ay ku lug leeyihiin musuqmaasuq lacageed oo aad u weyn, isla markaana boqolkiiba 94 ka mid ahi ay yihiin shaqo la’aan inkastoo ay jiraan fursado shaqo. Waxa uu sheegay in Xildhibaan Ilhaan Cumar ku lug leedahay musuqmaasuq ballaadhan lakiin cidna anay baadhin.

Dhanka kale, hadallada Trump ayaa si weyn loogu dhaliilay in ayna ku dhisnayn xaqiiqooyin la hubo ama tirokoob rasmi ah, balse ay u muuqdaan kuwo siyaasadaysan oo lagu buunbuuniyay xaalado jira. Khubaro iyo warbaahinta caalamka ayaa marar badan tilmaamay in hadallada noocan ahi ayna ka tarjumin xaqiiqada dhabta ah ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa dhinacooda lagu yaqaannaa ganacsi, hal-abuur iyo firfircooni dhaqaale oo ay ka muujiyaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan, iyagoo si weyn uga qayb qaata maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalalka ay ku nool yihiin. Xildhibaanad Ilhan Omar ayaana marar badan si cad u beenisay eedaha loo jeediyay, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn oo siyaasadaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here