Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeyn ku burburiyay buundada B1 ee ku taalla magaalada Karaj, Dalka IIraan.

0
9

Jimco 2 April 2026 {HMC} Mareykanka iyo Israa’iil ayaa duqeyn wada jir ah ku burburiyay buundada B1 ee ku taalla magaalada Karaj, galbeedka Tehran, taasoo ahayd waddo weyn oo muhiim ah, laguna tilmaamay mid ka mid ah buundooyinka ugu dhaadheer Bariga Dhexe iyo mucjisada injineerada Iiraan oo la qorsheynayay in dhawaan si rasmi ah loo furo, balse waxay la kulantay burbur weyn kadib weerarka.

Trump oo baahiyay muuqaal muujinaya , qaraxa ka dhacay buundadaan, wuxuu yiri; “Buundadii ugu weynayd Iiraan waa la burburiyay, mar dambena lama isticmaali doono.

Waa waqtigii Iiraan ay heshiis geli lahayd, ka hor inta aysan goor dambe noqon, iyo ka hor inta aanay lumin wixii awood ah ee u haray, si ay mar kale u noqoto dal weyn.”

Weerarkan ayaa soo bandhigaya sida Mareykanka iyo Israa’iil ay u doonayaan inay ku cadaadiyaan Iiraan , burburinta kaabayaasha muhiimka ah, ka dib markii aan wax natiijo ah lagu gaarin weerarradii bartilmaameedyada milatari ee 33 maalin ay garaacayeen Mareykanka iyo Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here