Jimco 3 April 2026 {HMC} Ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sare loo qaaday waxaana halkaas ku wajahan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee Shaati Gaduud waxaa ku sugan dad isugu jira mas’uuliyiin iyo rayid si ay usoo dhaweeyaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas ku wajahn.
Ciidamada ilaalada Madaxweyne Xasan oo saacadihii lasoo dhaafay gaaray Magaalada Baydhabo ayaa la wareegay mas’uuliyadda amniga goobaha muhiimka u ah isu socadka Madaxweynaha, Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha & meelo kale oo Magaaladaas ah.



