Dhul-gariir ku dhuftay Dalka Afgaanistaan .

0
4
Sabti 4 April 2026 {HMC} Dhul-gariir cabirkiisa lagu sheegay in 5.8 magnitude ayaa ku dhuftay Dalka Afgaanistaan gaar ahaan Gobolka Badakhshan ee dhaca Waqooyi Bari ee dalkaas, waxaana ku dhintay 8 qof oo isku qoys ah sida lagu sheegay war hordhac ah oo laga soosaaray dhul-gariirkaan.

 

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Afgaanistaan, Sharafat Zaman ayaa sheegay in dadka dhintay ay ehel yihiin, waxaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo 2 sano jir ku uu ku dumay gurigooda sida uu hadalka u dhigay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhul-gariirka laga dareemay meelo kala duwan oo Dalka Afgaanistaan ah, lama soo sheegin waxyeello ka dhalatay oo diiwaanka galay iyada oo la howlgeliyay kooxaha gurmadka.

Afgaanistaan waxa ay kamid tahay dalalka sida joogta ah dhibaatada kala kulma Dhul-gariirka, waxaa digniin culus loo diraa Dadka ku nool goobaha la sheegay in ay ka dhici karaan musiibooyinka dabiiciga ah sida Dhul-gariirka, Duufaannada & wixii lamid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here