DFS oo war saxafadeed kaso saartay in la burburiyay Lix matoor oo AS ay lahayeen .

0
8

Sabti 4 April 2026 {HMC} War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu shaaciyay in ay burburiyeen matooro ay AS u isticmaali jireen sameynta iyo farsameynta Qaraxyada dalka.

Howlgalka oo ahaa mid duqeyn ah ayaa Dowladda Federaalka ka caawiyay Saaxiibada Caalamiga ah, iyadoo laga fuliyay deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in howlgalka ay ku dileen 9 xubnood oo ka tirsan AS oo ay ku jiraan Abiikar Nuur ahaa oo ahaa madaxii mas’uulka ka ahaa matoorada & gaadiidka iyo weliba Cabdifitaax Maxamed Xasan oo lagu tilmaamay inuu ahaa makaanigii ugu weynaa ee farsameeya baabuurta qaraxyada ay sameeyaan AS.

Ugu dambayn, hay’addu waxay ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan amniga, isla markaana ay soo sheegaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan khataraha nabadgelyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here