Axad 5 April 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dalacsiinayso dhammaan ciidanka iyo saraakiisha kaalinta ka qaatay qabashada magaalada Baydhabo oo ah caasimadda gobolka Baay, taas oo todobaadkii hore laga saaray madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen.
Taliyah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, ku waasi oo ahaa ciidankii hor kacayay dagaalkii lagu qabsaday magaalada Baydhabo.
“Inta aan aniga karo min hal darajo ayay dallacday, saraakiisha idin hoggaaminaysa iyo saraalkii xigeynka ballantaas oo kale ayay qabaan,” sida uu yiri Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidankaan ayaa qeyb ka ahaa ciidan magaalada Baydhabo duleedkayda kula dagaalamay ciidan taabacsanaa maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo markii dambe is-dhiibay taas oo suuragalisay in magaalada ay la wareegaan ciidanka dowladda.
Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay markii ugu horreysay in ay lug ku galaan magaalada Baydhabo, iyaga oo Buurhakaba ka baxay ka dib dagaal adag kula galay Al-Shabaab deegaanka Daynuunaay oo u dhaxeeya Buurhakaba iyo Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ku sugan Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada; Booliska, Xoogga iyo Asluubta, waxaana hoggaaminaya Taliyaha guud ee ciidamada ahna madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Magaaladaan oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa todobadii sanno ee u dambaysay waxaa hoggaanka u hayay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Baydhabo u diiday in ay tagaan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.



