DFS ayaa shaacisay in ciidamada dowladda, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen gobolka Baay.

0
12

Isniin 6 April 2026 {HMC} – Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano u dhow Baydhabo iyo Daynuunay ee gobolka Baay.

War-saxaafadeedka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo lagu dilay 12 dagaalame, halka tiro kale lagu dhaawacay.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada dalka.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa ku adkaysay in ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda, si loo yareeyo khatarta ay ku hayaan shacabka, loona xoojiyo xasilloonida dalka Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya 2 maalin kaddib markii Dowladda Federaalka ay shaacisay in la furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo muddo 14 sano ah u xirnayd Al-Shabaab.

Dowladdu waxay dalacsiisay saraakiishii iyo ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here