Isniin 6 April 2026 {HMC}War kasoo baxay Taliska Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu xaqiijiyay in duqayn ay iska kaashadeen Maraykanka iyo Israa’iil lagu dilay Madaxii sirdoonka ee kacaankaas oo lagu magacaabo Majid Khademi waaya arag ciidan ahaa.
Bayaanka kacaanka Iiraan ayaa intaas lagu raaciyay hanjabaad ka dhan ah Maraykanka iyo Israa’iil isla markaana lagu wargeliyay in dhiigga Khademi aanay si fudud u qali doonin una aari doonaan sida hadalka loo dhigay.
Iiraan ayaa horay u sheegtay in xubin weliba oo katirsan dadka ay beegsanayaan Maraykanka & Israa’iil uu diyaar yahay qofkii baddeli lahaa si aanay u dhicin firaaq ugana tashteen si ay u jabiyaan cadawgooda kusoo duullaay.



