Isniin 6 April 2026 {HMC} Wasiirka ayaa kulan la qaatay Taliyaha Qeybta 3-aad, S/Guuto Teklu Hurisa Janka, kana qaatay warbixin ku saabsan hawlaha qeybta, horumarka hawlgallada, iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM ee ka hawlgala deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan taageeridda hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta hawlgallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, si loo dardargeliyo guulaha laga gaarayo la-dagaallanka argagixisada iyo dardargelinta Hawlgallada wadajirka ah.



