Talaado 7 April 2025 {HMC} Shan iyo toban Ameerikaan ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay geesteyn diyaaradaha aan duuliyaha lahay oo ay Iiraan ku qaaday saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait xalay, sida ay saraakiisha Mareykanku u sheegeen hay’addda warbaahinta Mareykanka ee CBS News, taas oo BBC bahwadaag la ah.
Inta badan dadka dhaawacmay ayaa durba dib ugu laabtay shaqadooda
Dadkan ayaa lasoo sheegayaa inuu gaaracay dhaawacyo fudud, waxa ayna dib ugu laabtayn hawlahooda, sida uu mid ka mid ah saraakiishu u sheegay CBS News,
Guud ahaan, 373 askari oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay tan iyo markii dagaalka Iran uu bilaabmay — kuwaas oo 330 ka mid ah ay dib ugu laabteen waajibaadkooda, halka shan ay weli qabaan dhaawacyo culus, sida uu afhayeen u hadlay US Central Command u sheegay CBS.



