Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika.

0
8

Arbaco April 8, 2026 {HMC} Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay kursi ka mid ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), taasoo ah markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay golahan sanadkii 2003, waxaana tani loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo muhiim u ah dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa, ayaa si rasmi ah uga taagay calanka Soomaaliya xarunta golaha maalintii Talaadada shalay, taasoo astaan u ah in dalka uu la wareegay waajibaadkiisa cusub muddada 2026–2028.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul taariikhi ah oo xoojinaysa sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya isla markaana muujinaysa doorka sii kordhaya ee ay ku leedahay dadaallada nabadda iyo ammaanka ee qaaradda.

“Tani waxay sare u qaadaysaa codka Soomaaliya ee ku aaddan dejinta ajandaha nabadda iyo ammaanka Afrika, waxayna ka tarjumaysaa kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan horumarka iyo hoggaanka Soomaaliya,” ayuu yiri safiirku.

Soomaaliya ayaa loo doortay golahan oo ka kooban 15 xubnood bishii Febraayo 2026. Inta ay kursiga joogto, waxay Soomaaliya ka qey qaadan doontaa xoojinta ka hortagga khilaafaadka, horumarinta nabad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta, kordhinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada, iyo taageeridda dadaallada dib-u-soo kabashada kadib colaadaha ee qaaradda.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waa hay’adda ugu weyn ee go’aan qaadashada ee AU ee ka shaqeysa ka hortagga, maareynta, iyo xallinta khilaafaadka.

Waxay mas’uul ka tahay kormeerka howlaha taageerada nabadda, saarista cunaqabateyn marka loo baahdo, iyo isku dubaridka jawaabaha wadajirka ah ee dhibaatooyinka ka jira Afrika.

Xubinnimada Soomaaliya waxay timid xilli uu dalku sii xoojinayo dadaalladiisa gudaha ee lagu sugayo amniga isla markaana uu door ka qaadanayo dadaallada nabadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Magacaabistan ayaa si weyn loogu arkaa aqoonsi muujinaya horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo ka qaybgalka wax-ku-oolka ah ee arrimaha goboleed iyo kuwa caalami ah kadib tobannaan sano oo colaado iyo xasillooni darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here