Xoghayaha difaaca Maraykanaka oo ku dhawaaqay in ay Iiraan ka guuleysteen,

0
18

Arbaco April 8, 2026 {HMC} Xoghayaha difaaca Maraykanaka Hegseth ayaa la weydiiyay warbixinnada sheegaya in Iiraan ay weli sii waddo weerarrada ay ku qaadeyso bartilmaameedyada ku yaalla gobolka, iyo haddii dalkaas la siiyay “waqti kooban” oo uu ku joojiyo ficilladaas.

Xoghayaha Difaaca ayaa ku jawaabay in Mareykanku uu la socdo weerarrada Iiraan, balse wuxuu xusay inay u wanaagsan tahay dalkaas inay “fariimaha gaarsiiyaan ciidamadooda” ku sugan meelaha fogfog si ay u joojiyaan weerarrada.

Wuxuu sheegay in “ay qaadato waqti” inta ay xabbad-joojintu si buuxda u hirgaleyso, laakiin wuxuu rajo iyo kalsooni ka muujiyay in heshiiska lagu adkaysan doono.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa khudbaddiisa ku bilaabay isagoo sheegay in Iiraan ay khatar ku ahayd Mareykanka muddo 47 sano ah, balse ay taasi hadda tahay “wax aan sii jiri doonin.”

Wuxuu sii raaciyay ammaan uu u jeedinayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo sheegay inuu “taariikh sameeyay.”

“Madaxweyne Trump ayaa horseeday xilligan, Iiraan ayaana codsatay xabbad-joojintan, dhammaanteenna waan ognahay,” ayuu ku dooday.

Hegseth wuxuu sheegay in hawlgalkii “Epic Fury” uu ahaa mid “taariikhi ah oo xooggan,” isagoo intaas ku daray in ciidamada Mareykanka ay “burburiyeen milateriga Iiraan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here