Nin British ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda As ayaa maxkamad la soo taagayo.

0
22

Khamiis 9 April 2026 {HMC} Nin kasoo jeeda United Kingdom ayaa wajahaya dacwado la xiriira falal argagixiso oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay kooxda As , kaddib baaritaan ay fuliyeen hay’adaha ammaanka ee London.

Jermaine Grant, oo 43 sano jir ah isla markaana aan lahayn hoy rasmi ah, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu door hoggaamineed ka qaatay howlaha As , arrintaas oo ka hor imanaysa sharciga la-dagaallanka argagixisada ee sanadkii 2000.

Dacwadaha kale ee loo haysto waxaa ka mid ah saddex jeer oo lagu eedeeyay inuu ka qayb galay tababaro ciidan oo ka dhacay xero ay kooxdaasi ku lahayd magaalada Kismayo.

Sidoo kale, waxaa lagu soo oogay labo eedeymood oo ku saabsan inuu haystay hub nooca AK-47 ah, kaasoo la sheegay in loogu talagalay adeegsiga falal argagixiso.

Kiiskan ayaa la xiriira dhacdooyin la sheegay inay dhaceen intii u dhaxeysay dabayaaqadii 2007 ilaa horraantii 2010, xilli ay As si weyn uga hawlgeli jirtay gudaha Soomaaliya.

Waxaa la qorsheeyay in Grant la horgeeyo maxkamadda Westminster Magistrates’ Court Khamiista maanta ah.

Afhayeen u hadlay la-dagaallanka argagixisada London, Kris Wright, ayaa sheegay in dacwadahan ay ka dhasheen baaritaan dheer, isla markaana ay yihiin kuwo aad u culus.

Wuxuu intaas ku daray in hay’adaha ammaanku ay sii wadi doonaan dabagalka cid kasta oo lagu tuhmo falal argagixiso, iyadoon loo eegayn goobta ay joogaan ama waqtiga ay falalkaasi dhaceen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here