40 maalmood ka dib waxa dib loo furay Masaajidka Al-Aqsa

0
12

Khamiis 9 April 2026 {HMC} Ka dib muddo 40 maalmood ah, Ciidanka Israa’iil ayaa dib u furay Masjidka Barakeysan ee Al-aqsa oo ah goobta saddexaad ee ugu barakeysan Muslimiinta Dunida.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya tiro muslimiin ah oo ku sii qulqulaya Masjidka Al-aqsa, qiyaastii 3,000 oo qof saacadihii la soo dhaafay salaada ku oogay Masjidkan.

Masaajidka ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay dadka tan iyo markii uu qarxay dagaalka dhex maray isbahaysiga Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo dalka Iiraan 28-kii Febraayo.

Israa’iil ayaa inta badan soo rogta xayiraado caynkan oo kale ah, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xiisadaha amni.

Waaxda Awqaafta Islaamka ee Qudus, oo ay taageerto dowladda Urdun, ayaa xaqiijisay in albaabbada Al-Aqsa loo furay dhammaan dadka cibaadaysanaya laga bilaabo waaberigii saaka.

Dhanka kale, maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dib u furista ay timid kadib markii dib u eegis lagu sameeyay awaamiirta dhanka amniga ee Taliska Guriga ee Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here