Jimco 10 April 2026 {HMC} Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saakay u dareeray doorasho kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen ololaha axsaabta loolamaysa oo mid weliba ballanqaaday in uu waxqabad fiican ku dhaqaaqi doonno haddii uu guulaysto.
Dadka Jabuuti waa 1.17 Milyan oo qof sida ku xusan barta Wikipedia, waxaana codaynaya in ka yar kala bar dadkaas kuwaas oo qaatay qaararka codbixinta, waxaa markii 6aad oo xiriir ah rajo qaba Madaxweynaha haatan talada haya waa Ismaaciil Cumar Geelle.
Wufuud kala duwan oo korjoogto ah ayaa ku sugan Jamhuuriyadda Jabuuti kuwaas oo la geeyay Gobollada codbixintu ka dhacayso, waxa ay qiimaynayaan sida ay codayntu u dhacayso, xorriyadda codbixiyaasha iyo meelaha kale ee laga eego doorashooyinka.



