Tahriibayaal ku geeriyooday bada iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Faransiiska una gudbaan Ingiriiska.

0
7

Jimco 10 April 2026 {HMC} Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay doon yar oo ay saarnaayeen iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Faransiiska una gudbaan Ingiriiska.

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in 2 nin iyo 2 qof oo dumar ah ay ku dhinteen badda oo kacsanayd aawgeed.

Dalalka ay ka soo jeedaan dadka dhintay lama oga, laakiin qiyaastii 40 qof oo kale oo muhaajiriin ah ayaa lagu dabiibayaa goobta.

Si kastaba ha ahaatee, doontu waxay sii wadatay safarkeeda iyadoo ay saarnaayeen ilaa soddon qof oo kale.

Ilaa hadda sanadkan, shan kun oo qof ayaa si guul leh uga gudbay Ingiriiska iyagoo maraya waddadan halista ah ee isku Faraansiiska looga gudbo Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here