Turkiga ayaa si rasmi ah u daah-furaya Hawlgalka Qodista shidaalka Soomaaliya.

0
8

Jimco 10 April 2026 {HMC} Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta si rasmi ah u daah-furaya Hawlgalka Qodista shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya, kaddib markii uu magaalada Muqdisho soo gaaray Markabka Çağrı Bey.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Wafdigan ayaa u yimid ka qeybgalka munaasabad lagu soo dhoweynayo markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaas oo shalay ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, isla markaana la filayo inuu si rasmi ah u bilaabo hawlaha baarista iyo qodista shidaalka Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu wado inay ka dhacdo dekedda ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin ka socota dowladda Turkiga iyo madax ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Hawlgalka markabka Çağrı Bey ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo horudhac u noqon karta dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda dabiiciga ah, iyadoo la filayo inuu saameyn ku yeesho sida ay dowladdu sheegtay horumarka dhaqaale iyo mustaqbalka dalka.

Türkiye, ayaa la leh Soomaaliya iskaashi xooggan oo ay ka mid yihiin tamarta, difaaca iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha. Labada dowladood ayaa sanadihii u dambeeyay kala saxiixday heshiisyo is-afgarad oo dhowr ah oo ku saabsan iskaashiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here