Wafdiga Dowladda Iiraan oo gaaray magaalada Islamabad ee Pakistan.

0
6

Sabti 11 April 2026 {HMC} Wafdiga Iiraan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan,Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa gaaray magaalada Islamabad ee Pakistan, si ay ula yeeshaan wadahadallo Mareykanka, sida ay werisay wakaaladda wararka Iiraan ee Fars oo xiriir la leh ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.

Ghalibaf waxaa la socda:
•Wasiirka arrimaha dibadda Abbas Araghchi
•Xoghayaha Golaha Ammaanka Qaranka Ali Akbar Ahmadian
•Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Abdolnaser Hemmati
Iyo xubno ka tirsan baarlamaanka
Warbixintan waxaa kalo ay Fars ku sheegtay

“Haddii dhinaca kale uu aqbalo shuruudaha ay Iiraan ku xirtay bilaabidda wadahadallada, markaas wada-hadalladu way bilaaban doonaan.”

Sidoo kale, waxay xustay in Iiraan ay aqbashay xabbad-joojinta laba toddobaad ah, balse haddii dagaalku dib u bilowdo: “Waxaan mar kale beegsan doonnaa danaha Mareykanka ee gobolka iyo nidaamka Israa’iil.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here