Sabti 11 April 2026 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka degmada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Kulankan oo ka dhacay xarunta degmada, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa maamulka heer degmo iyo laamaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Ujeedka ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa dardargelinta qorsheyaasha lagu adkeynayo nabadgelyada iyo xasilloonida magaalada Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada.
Taliyeyaasha ayaa warbixinno ka dhegeystay masuuliyiinta degmada, iyaga oo ku bogaadiyay dadaallada ay ugu jiraan u adeegidda bulshada. Waxaana la isku raacay in si dhow loogu wada istaago ka hortagga khataraha amni iyo sidii loo xoojin lahaa kalsoonida ka dhaxaysa shacabka iyo hay’adaha ammaanka.
Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyaha Booliska Sareeye Guuto Asad Cismaan ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda amniga ay tahay mas’uuliyad wadajir ah, ayna lagama maarmaan tahay in la iska kaashado sidii looga guulaysan lahaa kooxaha nabad-diidka ah ee khatarta ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.
May be an image of one or more people, dais, newsroom and text
Ugu dambeyn, kulankan ayaa qayb ka ah socdaal shaqo oo Madaxda ku joogaan magaalada Baydhabo, kaas oo loogu kuurgalayo xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo dhismaha ciidamo isku dhaf ah oo ka qeyb qaata sugidda amniga guud.



