Wadahadalka Iiraan & Maraykanka oo lagu kala tagay

0
2

Axad 12 April 2026 {HMC}  Wadahadallada u dhaxeeya Iiraan iyo Maraykanka ayaa lagu kala tagay kaddib markii laga gudbi waayay shuruudaha labada dhinac ay is hordhigeen ee mid weliba uu doonayo in tiisa la meelmariyo sida ay ku warrameen ilo ku dhow.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, JD Vance oo wakiil buuxa dalkiisa uga ahaa wadahadalka ayaa dhanka Iiraan ku eedeeyay in ay meel ku dheg noqotay maadaama ay kasoo dabci waysay wadaxaajoodkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Iiraan, Mohammad-Bagher Ghalibaf oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya ee wafdiga ka socda Tehran ayaa dhanka Maraykanka ku eedeeyay in uu miiska la tagay shuruudo lagu carqaladaynayo sii socoshada wadahadalkaas.

Dowladda Pakistan oo dhexdhexaadinaysay labadaan Dal ayaa rajo ka muujisay in markale la isugu tago Miiska wadahadalka si ay isugu soo dhawaadaan dhinacyadaan loogana gudbo shuruudaha noqday ‘Mindi Mindi ku taag’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here