Xildhibaan Cusub oo maanta lagu hor dhaariyay Guddiga Guddiga joogtada ee BFS .

0
14

Axad 12 April 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyey safar uu ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isbedelkii dhowaan ka dhacay dowlad goboleedka iyo sidoo kale dadaalada dowladda ee ku aadan doorashada hogaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Intaasi ka dib Habdhowraha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyey Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo si rasmi ah uga mid noqday Mudanayaasha Golaba Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarrinta Dhaqaalaha Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Xasan Maxamed Cali iyo sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Nadiifo Aadan Isaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here