Axad 12 April 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Difaaca ee dalka Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa soo saaray dalabyo
layaab leh oo hadal-hayn badan ka dhaliyay fagaarayaasha caalamka.
Jeneraal Muhoozi, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa si cad u codsaday in la
siiyo “gabadha ugu quruxda badan dalka Turkiga”, isagoo sheegay inay tahay midda uu doonayo inuu guursado.
Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo
dollar.
Lacagtan ayuu sheegay inay tahay mid ay xaq u leedahay Uganda, taasoo looga abaal-marinayo kaalintii
ciidamadeedu ka qaateen la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka dagaallama dalka Soomaaliya, gaar ahaan Al
Jeneraal Muhoozi ayaa ku dooday in ciidamada Uganda ay dhiig badan u hureen xasilinta Soomaaliya iyo dagaalka
ka dhanka ah maleeshiyaadka Islaamiga ah, sidaas darteedna ay mudan yihiin magdhow lacageed oo gaaraya hal
bilyan oo dollar.
Hadaladan kasoo yeeray taliyaha ciidanka ayaa imaanaya xilli uu Jeneraal Muhoozi inta badan caan ku yahay
qoraallo ka careysiiya diblamaasiyiinta ama layaab ku noqda dadweynaha oo uu ku baahiyo baraha bulshada.



