Isniin 13 April 2026 {HMC} Ganacsatada suuqyada magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u joojiyay adeegsiga lacagta Shilinka Soomaaliga, gaar ahaan kunka shilin oo ahaa lacagtii ugu dambeysay ee si xaddidan looga isticmaali jiray caasimadda.
Go’aankan oo si degdeg ah uga hirgalay suuqyada waaweyn, gaadiidka dadweynaha iyo dukaamada yaryar, ayaa si weyn u saameeyay nolol-maalmeedka shacabka, gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku tiirsan lacagta caddaanka ah.
Qaar kamid ah dadka isticmaala gaadiidka BL ayaa sheegay in laga diiday inay raacaan gaadiidka kadib markii ay lasoo baxeen lacag Shilin Soomaali ah.
“Subaxdii ayaan istaagay gaari BL ah, laakiin darawalkii wuxuu ii sheegay inaan lacagtaas la aqbalayn, Waxaan noqday qof meel ku xayiran,” ayuu yiri mid kamid ah rakaabka.
Ganacsatada ayaa iyaguna ku doodaya in go’aankoodu uu salka ku hayo xaaladda dhaqaale ee adag.
Mid kamid ah sariflayaasha ayaa sheegay “Lacagtu waa jeex-jeexan tahay, qiimaheeduna wuu dhacay, Ma jirto cid dib u cusbooneysiisa, sidaas darteed ma qaadan karno.”
Sidoo kale, ganacsade ku sugan suuqa Heliwaa ayaa tilmaamay in xaaladdu ay gaartay heer aan laga maarmi karin “Maanta haddii aad Shilin keento, waxba laguguma iibinayo, Xitaa gaadiidka ma raaci kartid, Dadku waxay rabaan doolar ama lacagta telefoonka laga tuuro.”
Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay dareen culus oo dhinaca shucuubta ah, iyadoo qaar kamid ah shacabka ay u arkaan mid dhaawac ku ah astaanta qaranimada.
“Haddii Shilinka la diido, maxaa ka haraya dowladnimadeena?” ayuu yiri nin ka mid ah dadka ka carooday go’aanka.
Khubarada dhaqaalaha ayaa tilmaamaya in sababaha ugu waaweyn ay ka mid yihiin sicir-barar, kalsooni darro lacagta lagu qabo, iyo maqnaanshaha lacag cusub oo suuqa lagu soo celiyo.
Sidoo kale, lacagaha elektarooniga ah iyo doolarka Mareykanka ayaa si weyn u qabsaday suuqyada dalka.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xaaladdan cusub, balse cadaadis ayaa jira maadaama arrintan ay si toos ah u saameyneyso qaybaha ugu nugul bulshada.
Muqdisho oo horey uga mid ahayd meelaha yar ee Shilinka Soomaaliga laga isticmaalo, ayaa hadda u muuqata inay gebi ahaanba ka guureyso lacagtii qaranka, taas oo su’aalo badan ka dhalisay mustaqbalka siyaasadda lacagta iyo ka qeybgalka dhaqaale ee shacabka.



