Madaxweyne Ciro oo Madaxda Soomaaliya ugu baaqay in ay aqoonsi Siiyaan Somaliland

0
26

Talaado 14 April 2026 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mar kale si cad ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aanay jirin wax xal ah oo ka hooseeya gooni isu taag buuxa.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay khudbaddiisa sanadlaha ahayd ee uu u jeediyay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, halkaas oo uu ku muujiyay jihada siyaasadeed ee xukuumadda iyo mowqifka adag ee ku aaddan mustaqbalka Somaliland. Wuxuu tilmaamay in wadada keliya ee xal lagu gaadhi karo ay tahay in labada dhinac ay noqdaan laba dal oo walaalo ah, isla markaana yeesha xidhiidhku dhisan deris wanaag iyo iskaashi.

“Wadada keliya ee u furan Soomaaliya waa in aan noqono laba dal oo walaalo ah oo jaar wanaag ka dhexeeyo. Arrintaas diyaar ayaanu u nahay, balse waa in la aqbalaa xaqiiqda ah in Somaliland tahay dal madax-bannaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto ololaha diblomaasiyadeed ee ay ku doonayso aqoonsi buuxa, isaga oo xusay in himiladaasi tahay mid ay ka go’an tahay shacabka iyo xukuumada Somaliland, islamarkaana la gaadhi doono wakhti aan fogayn.

Dhanka kale, mowqifka Soomaaliya ayaa weli ah mid si adag uga soo horjeeda gooni isu taagga Somaliland, iyadoo masuuliyiinta Soomaaliya ay ku tilmaamaan arrintaas mid khatar ku ah midnimada iyo wadajirka dalka. Dowladda federaalka ayaa marar badan ku celcelisay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano waday dadaallo ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah, iyadoo arrintani ay weli tahay qodobka ugu weyn ee siyaasaddeeda dibadda. Inkasta oo ay jiraan isbeddello siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo socda, haddana weli lama gaadhin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah oo ay ka hesho beesha caalamka marka laga reebo Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here