Iiraan oo sheegtay, Marinka Hormuz ‘uu gabi ahaanba u furan yahay.

0
129

Jimco April 17, 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araqchi Araghchi ayaa sheegay in Iran ay si buuxda dib u furi doontaa marin biyoodka Hormuz inta ka hartay wakhtiga xabad joojinta.

Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha bulshada ayuu ku sheegay:“Waxaa ka mid ahaa qaabka dhismeedka xabbad-joojinta Lubnaan, in maraakiibta ganacsi ee marin biyoodka Hormuz si buuxda loo furay inta ka harsan muddada xabbad-joojinta.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaas ku daray: “Marinkan waxaa lagu mari doonaa iyada oo la raacayo qaab ay isku dubbariday oo horay u shaacisay Hay’adda Dekedaha iyo Maraakiibta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here