Iiraan ma aqbali doonto xabbad joojin ku meel gaar ah.

0
19

Jimco April 17, 2026 {HMC} Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran, Saeed Khatibzadeh, ayaa adkeeyay in Iran ay diidan tahay xabbad-joojin ku-meelgaar ah, isla markaana ay dooneyso in dagaalka si buuxda looga joojiyo guud ahaan gobolka.

Khatibzadeh ayaa u sheegay warfidiyeenka intii uu ku sugnaa madasha Antalya Diplomacy Forum in xabbad-joojin kasta ay tahay inay ka dhaqan gasho “laga bilaabo Lubnaan ilaa Badda Cas,” isagoo ku tilmaamay arrintaas “xariiq cas” oo Iran leedahay.

Sida ay werisay Al Jazeera, wuxuu sheegay:“Ma aqbali doono wax xabbad-joojin ku-meelgaar ah,” wuxuuna intaas ku daray in dagaalka“ay tahay inay halkan ku dhammaadaan si joogto ah.”

Marka laga hadlayo marin-biyoodka Strait of Hormuz, wuxuu sheegay in marin-biyoodkan, oo ku jira biyaha dhuleed ee Iran, uu mar walba furnaa.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel inay sabab u yihiin xasillooni darrada gobolka, isaga oo sheegay in tallaabooyinkooda ay saameyn taban ku yeesheen ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here