Sabti April 18, 2026 {HMC} Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu “aad ugu faraxsan yahay in Marinka Hormuz uu furan yahay ama si degdeg ah u furmayo,” sida uu ku qoray bartiisa Truth Social.
Trump wuxuu intaas ku daray in kulankooda Shiinaha, oo la qorsheeyay inuu dhaco 14–15 May, “uu noqon doono mid gaar ah oo laga yaabo inuu noqdo mid taariikhi ah.”
“Wax badan ayaa la gaari doonaa!”
Shiinaha, oo ah iibsadaha ugu weyn ee shidaalka Iran, wuxuu qiyaastii 38% shidaalkiisa maraa Marinka Hormuz.
Shiinaha ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku boorrinta Iran inay wada xaajood la gasho Maraykanka, wuxuuna sheegay inuu taageerayo xabbad-joojinta iyo dib u bilaabidda wadahadallada nabadda



