Shir looga hadlayo Amniga oo Lagu qabtay Baydhabo.

0
16

Isniin 20 april 2026 {HMC}  Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka socda kulamo looga hadlayo amniga Magaaladaas, waxaana ujeedka uu yahay u diyaargarowga Doorashada isku sidkan ee dhawaan la filayo in ay halkaas ka dhacdo.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in Saraakiisha Ciidamada ammaanka la kordhiyay iyada oo ciidamo gaar ah loo xilsaaray nabadgalyada Gudaha Magaalada Baydhabo, halka bannaankeeda la geeyayo ciidamo kale.

Waxaa si joogta ah u howlgallaya ciidamo loogu talagalay la dagaalanka hubka maadaama horay looga mamnuucay in hub aan ka ahayn ciidamada shaqada ku jira ee fasaxa haysta in aanay lagu dhex qaadan Karin Magaaladaas.

Saraakiisha Ciidamada Booliiska, Nabadsugidda iyo kuwa gaarka ah ayaa samaystay goobo kala duwan oo lagu baarayo Gaadiidka, waxaa la hubiyaa Gawaarida iyada oo la baarayo Dadka saaran sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Dhammaadka Bishaan waxa uu qorshuhu yahay in Magaalada Baydhabo lagu qabto Doorasho Dadweyne oo isku sidkan waa Golaha Deegaanka Magaaladaas iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

La soco wixii kasoo kordha

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here