War ka soo kordhay wefdiga Mareykanka ee u socday Pakistan.

0
14

Isniin 20 april 2026 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in wafdi ay u safri doonaan Pakistan si ay u gaaraan wareeg cusub oo wadahadallo ah oo ay la yeelan doonaan Iiraan.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu ku sheegay in “wakiiladiisa” ay imaan doonaan Islamabad fiidnimada Isniinta caawa.

Wax yar ka dib, Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance inuu hoggaamin doono wafdiga.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa BBC-da u xaqiijiyay in wafdiga ay ku jiri doonaan la-taliyayaasha Trump Steve Witkoff iyo Jared Kushner, kuwaas oo labaduba goobjoog ka ahaa wadahadalladii hore ee fashilmay.

Texraan weli ma xaqijin inay ka qeyb qaadan doonto wadahadalladaas.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa ku warantay in mas’uuliyiinteedu aysan ka qayb qaadan doonin wadahadallada inta xayiraadda Mareykanka ee maraakiibta Iiraan ay weli jirto.

Wadahadalladii ugu dambeeyay waxay socdeen qiyaastii 21 saacadood, waxaana lagu guuldareystay in heshiis nabadeed lala gaaro Washington iyo Tehran oo aad u kala fogaaday arrimaha muhiimka ah oo ay ku jiraan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here