Isniin 20 april 2026 {HMC} – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheikh Cabdiqaadir, ayaa sheegay in caqabado siyaasadeed ay sabab u noqdeen in qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed aysan ka qeyb gelin imtixaanka mideysan ee shahaadiga ah, taas oo keentay sida uu sheegay in dowladdu samayso habab kale oo ay ku siiso shahaado qaran.
Wasiirku wuxuu sheegay in imtixaanka qaran uu yahay mid mideysan oo ay tahay in dhammaan ardayda gaarta heerkaas ay wada galaan, balse wuxuu tilmaamay in “caqabadaha siyaasadeed” ee ka jira maamullada qaar, gaar ahaan Puntland iyo Soomaaliland, ay hor istaageen arday badan inay helaan fursaddaas.
“Dowladdu waxay eegaysaa mustaqbalka ardayga Soomaaliyeed ee ku jira duruufo uusan isagu dooran,” ayuu yiri wasiirku, isaga oo xusay in xaaladahan ay yihiin kuwo ku meel gaar ah oo la filayo inay dhammaadaan mustaqbalka.
Wuxuu intaas ku daray in wasaaraddu ay sameysay habab farsamo oo lagu hubinayo tayada iyo xaqiiqada waxbarashada ardaydaas, si aanay u lumin fursadaha waxbarasho ee mustaqbalka. “Ardayda aan siineyno shahaadada qaran waa kuwo horey ugu galay imtixaanno ay qaadeen maamullada deegaannadooda, natiijooyinkoodana waa la hubiyaa,” ayuu yiri.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in xiriir farsamo oo joogto ah uu ka dhexeeyo Wasaaradda Federaalka iyo wasaaradaha waxbarashada ee maamullada, si loo xaqiijiyo saxnaanta xogta ardayda.
Puntland iyo Somaliland ayaa ah labada maamul ee aan ardaydooda ka qeyb galin imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa mar u diidday ardayda Puntland in ay helaan shahaadada Federaalka ee dugsiga sare sababa la xiriira ka qeybgal la’aantooda imtixaanka qaran ee dowladda.



