KHamiis 23 april 2026 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii la soodhaafay ka da’ayay roob xooggan oo saameeyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga,isu-socodka dadweynaha, iyo gaadiidka.
Roobkan oo saacado socda ahaa kuwo isdaba-joog ah ayaa sababay inay biyuhu fariistaan waddooyinka halbowlaha u ah caasimadda, sida Waddada Maka Al-Mukarama, Soddonka, iyo laamiga 21-ka Oktoobar.
Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka Bajaajta ayaa ku dhiban inay maraan waddooyinkaas, taas oo keentay inay dad badani cagahooda maalaan.
Xaafadaha qaar ee ku yaalla dhabannada magaalada iyo meelaha godan ayaa gabiahaanba go’doon galay, ka dib markii uu xooggeystay Roobka.
Inkasta oo ay dhibaatadu tahay mid baahsan, haddana dadka deggan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa muujinaya walaac ku aaddan inaysan jirin wax gurmad ah oo ka socda maamulka gobolka iyo dowladda dhexe.
“Waddooyinkii waa xirmeen, biyuhu guryihii ayay noogu soo galeen, mana jirto cid noo timid oo na caawinaysa ama biyaha naga saaraysa. Waxaan iska sugnaa oo kaliya in qorraxdu ay biyaha naga qalajiso,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool degmada degmada Waaberi oo la hadlay warbaahinta.
Dadka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa ah kuwa ugu daran ee roobabkani saameeyeen.



