Golaha Wasiiradda XFS oo kulan gaar ah yeeshay.

0
10

KHamiis 23 april 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Amniga iyo adeegyada Bulshada.

Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyadoo warbixinno looga dhageystay Wasaaradahab kala duwan ee Xukumadda Federaalka.

Golaha ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel oo hoos tagta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, una xilsaaran isku duwidda, mideynta, jaangooynta, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha ee Dowladda Federaalka, si muwaadinku uu u helo adeegyo kala duwan oo isku xiran.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Heshiis hoos yimaada Qaramada Midoobay ee sharciga Badaha ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awoodda Qaran.

Golaha ayaa intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, maaliyadda iyo xaaladda Wabiyada dalka oo ay daraasad iyo warbixin dhamaystiran kasoo gudbisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here