Sabti 25 april 2026 {HMC} Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay aqoonyahanno, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Puntland ku metela, saraakiil hore oo ciidan iyo siyaasiyiin, isaga oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo mowqifka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa si cad u sheegay in uusan wax faragelin ah ku yeelan doonin xulista xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, doorasho kasta oo lagu heshiiyo mustaqbalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in beelaha Soomaaliyeed ay si madax-bannaan u soo xulan doonaan xubnaha ku matali doona heerka Federaalka, si looga fogaado eedeymihii hore ee faragelinta siyaasadeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in hadalkiisa uu qeyb ka yahay dadaal lagu saxayo habraacyadii doorashooyinka ee lagu murmay sanadihii 2021–2022, kuwaas oo dhaliyay khilaaf siyaasadeed oo ballaaran



