Isniin 27 april 2026 {HMC} Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub culus oo si qarsoodi ah loo soo geliyay deegaanadeeda, iyadoo lagu eedeeyay inay arrintan ku lug leeyihiin “dawlado waaweyn” oo aan weli magacyadooda la shaacin.
Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliland Cabdala Maxamed Carab ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanku lagu qabtay hubkan, isla markaana lagu xiray tiro ka mid ah shaqsiyaadkii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen keenistiisa. Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xubno kale oo ka tirsanaa shabakaddaasi ay baxsadeen, islamarkaana wali lagu raad joogo.
Xukuumaddu waxay caddeysay in baaritaanno qoto dheer ay socdaan, kuwaas oo lagu ogaanayo halka uu hubku ka yimid, cidda maalgelisay, iyo sida uu ku soo galay gudaha Somaliland. Mas’uuliyiinta ayaa ballanqaaday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falkaasi.
“Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa nooca hubka la qabtay, waddamada ku lugta leh iyo cidda fududeysay gelitaankiisa,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xukuumadda.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in hubkan uu yahay mid culus oo khatar weyn ku ah amniga, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo faragelin shisheeye iyo isku dayo lagu wiiqayo xasilloonida Somaliland.



