Markab xamuul ah oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

0
7

Isniin 27 april 2026 {HMC}  Markab xamuul ah ayaa lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, kaddib markii dad aan la aqoonsan ay la wareegeen, iyaga oo u leexiyay gudaha biyaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) Axaddii.

Dhacdadan ayaa lagu soo warramay meel qiyaastii 6 mayl-badeed u jirta dhinaca waqooyi-bari ee magaalada Garacad ee gobolka Mudug ee Puntland, sida ay UKMTO ku baahisay barta X.

“Waxaa la soo sheegay in dad aan loo oggolayn ay la wareegeen markab xamuul ah, kaas oo dib loogu leexiyay gudaha biyaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hay’addu waxay uga digtay maraakiibta ku sugan aagga inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, iyadoo la sheegay inay jirto khatar sare oo la xiriirta falalka kooxaha burcad-badeedda.

“Sababo la xiriira kororka khatarta falalka suurtagalka ah ee kooxaha burcad-badeedda (PAG), maraakiibta waxaa lagu wargelinayaa inay si taxaddar leh u maraan, isla markaana soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo,” ayaa lagu daray.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay wadaan baaritaanno la xiriira dhacdadan, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah lagama bixin shaqaalaha markabka, nooca xamuulka uu siday, ama cidda ka dambeysay afduubka.

Waa markii labaad oo maalmo gudaheed ay afduubtaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida. Burcad-badeedda ayaa todobaad ka hor afduubtay markab shidaal sida, iyagoo la wareegay shaqaalihii saarnaa, oo ay ku jiraan 11 badmaax oo u dhashay dalka Pakistan, arrintaas oo dib u soo nooleysay walaaca laga qabo amniga biyaha Soomaaliya.A

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here