Talaado 28 april 2026 {HMC} Burcad-badeed ayaa markale qabsatay markab kale oo ku sugnaa xeebaha Soomaaliya iyadoo heerka khatarta ay sii kordheyso, arbacadii asbuucii hore ayey ahayd markii kooxo hubeesan ay markab ka khafaasheyn.
Hay’adaha kormeerka badaha ayaa ka digaya in khatartu ku soo korortay maraakiibta ka shaqaysa xeebaha Soomaaliya kadib markii markab xamuul ah uu noqday kii ugu dambeeyay ee lagu qabsado fal burcad-badeednimo.
Hay’adda ka shaqeysa halwaha ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa kor u qaaday heerka khatarta ee aaggaas ilaa kadib markii ay sheegtay in “dad aan la oggolayn” ay la wareegeen markabka ayna u jiheeyeen dhanka dhulka xeebta Garacad, ee Soomaaliya.
Ugu yaraan afar markab ayaa la kulmay isku day afduub toddobaadkii la soo dhaafay dhacdooyin loo malaynayo burcad-badeednimo, kuwaas oo ay ku jiraan doon kalluumeysi iyo markab shidaal qaada.
Ilaa saddex sano ka hor, burcad-badeednimadu waxay ku dhowaatay inay ka dabar go’do qaybtan Badweynta Hindiya oo hore caan ugu ahayd barta afduubyada, balse hadda dib ayay u soo laabatay.
maamulka Punland ayaa sheegay in ay tallaabo ciidan ka qaadi doonaan kooxahaan afduubanaya maraakiibta.



