Arbaco 29 april 2026 {HMC} Saddex markab ayaa lagu afduubtay xeebaha Somalia illaa toddobaad gudihiis, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo dib u soo laabashada burcad-badeedda ka howlgasha Geeska Afrika, isla markaana culays cusub ku kordhisay warshadaha maraakiibta caalamka.
Markabka ganacsiga ee Sward ayaa la qabsaday 26-ka Abriil. Dhacdadan ayaa daba socotay qabsashada 21-ka Abriil ee markabka shidaalka qaada ee Honour 25, kaas oo siday 18,000 foosto oo saliid ah, sida ay sheegtay Maritime Security Centre Indian Ocean, oo ah xarunta dabagalka ee ciidanka badda Midowga Yurub.
“Dhacdooyinka oo dhan wali way socdaan…,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay xaruntu. “Maraakiibta ka shaqaynaya aagga waxaa si adag loogu boorinayaa inay muujiyaan feejignaan sare… gaar ahaan gudaha 150 mayl-badeed oo u dhexeeya Muqdisho iyo xaafuu.”
Burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa si weyn u korodhay dabayaaqadii 2000-meeyadii, iyadoo gaartay heerkeedii ugu sarreeyay sanadkii 2011, markaas oo la diiwaangeliyay 212 weerar, sida ay muujinayaan xogta ciidamada badda ee Midowga Yurub. Kooxaha burcad-badeedda ayaa markaas noqday kuwo aad u geesi badan, iyagoo weeraro ka fuliyay meel ka fog ilaa 2,270 mayl xeebaha Soomaaliya ee gudaha Badweynta Hindiya.
Isbahaysi caalami ah oo dhinaca badda ah ayaa markii dambe xakameeyay weerarradaas, iyadoo tiradoodu hoos ugu dhacday dhowr dhacdo sanadkii laga bilaabo 2014. Si kastaba, weerarradu waxay mar kale bilaabeen inay kordhaan tan iyo 2023.
Warshadaha maraakiibta caalamka ayaa horeyba ula tacaalayay dhibaatooyin ka dhashay xirnaanshaha marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz iyo weerarrada ay fuliyaan fallaagada Xuuthiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ee ka dhaca marinka ciriiriga ah ee Bab el-Mandeb. Maraakiibta ayaa ku khasban inay maraan marinadan si ay uga baxaan Badda Cas, oo ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan ee ganacsiga adduunka, iyadoo qaar badan ay u sii gudbaan hareeraha Geeska Afrika.
Markabka Sward, oo qaada sibidh ama Shamiito, ayaa ka baxay dekedda Suez ee dalka Egypt 13-ka Abriil, isagoo kusii jeeday Mombasa ee dalka Kenya, markii burcad-badeeddu ku qabsadeen meel qiyaastii 6 mayl-badeed u jirta magaalada dekedda ah ee Garacad. Markabka ayaa watay 17 shaqaale ah, oo 15 ka mid ahi ay u dhasheen Suuriya halka laba kalena ay ka soo jeedaan Hindiya, sida ay sheegeen saraakiil amni oo ka tirsan Puntland.
Kadib afduubka, oo dhacay wax yar kadib 8-da fiidnimo Axaddii, burcad-badeeddu waxay markabka u jiheeyeen dhinaca xeebta, iyagoo ku xirtay meel fog oo u dhow Garacad. Lix nin oo hubeysan iyo turjubaan aan hubeysneyn oo ku hadla Ingiriisi iyo Carabi ayaa fuulay markabka.
“Wuxuu la hadlayaa shaqaalaha markabka, sidoo kalena wuxuu xiriir la leeyahay milkiilaha markabka,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha amniga.
Subaxnimadii Talaadada, afar nin oo kale oo hubeysan ayaa ku biiray, taasoo tirada burcad-badeedda saaran markabka ka dhigtay 20, sida ay sheegeen saraakiishu.
Jethro Norman, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ee Denmark, ayaa sheegay in burcad-badeeddu ka faa’iideysanayaan in ciidamada caalamiga ah ay xoogga saareen Badda Cas si ay uga hortagaan weerarrada Xuuthiyiinta, halka ciidamada amniga ee Puntland ay la tacaalayaan culaysyo kala duwan.
“Shabakadaha burcad-badeedda ayaa mar kale tijaabinaya awooddooda, waxayna ka qalab wanaagsan yihiin jiilkii hore. GPS, isgaarsiinta dayax-gacmeedka iyo doomaha la afduubay ee loo adeegsado saldhig ahaan ayaa u suurtagelinaya inay ka howlgalaan boqolaal mayl badda gudaheeda,” ayuu yiri.



