Talaado-19- March-2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 27-aad ee wadajirka ah ee labada aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo weli ku guda jira ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa maanta u gudbay ka doodista Madaxa Seddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo Madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka beri ay Xildhibaannada soo xaadiraan si loo dhameystiro cutubka 4aad ee wax ka bedelka Dastuurka KMG.



