Abaal Marin la Gudoonsiyey labo dhalinyaro Beeraleey ah oo AS ku Dilay Gobolka Hiiraan.

0
15

Saturday 13, Dec 2025 {HMC} Si loo dhiirrigeliyo geesiyadii fuliyay howlgalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhoqor ee ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/dhexe Cali Axmed Xaanshi (Cali Cageey), maanta guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo dhan 2,000 oo doolar laba wiil oo reer miyi ah.

Labadan wiil oo lagu kala magacaabo Salaad Maxamed Cali iyo Cabdi Cabdullaahi Cali ayaa si geesinimo ah ku muujiyay howlgalkii ay ku dileen laba dhagar-qabe oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab, kuwaas oo xilligaas ku sugnaa deegaanka Dhoqor, kadib markii ay qoryaha ka furteen iyagoo ku guda jiray falashada beerahooda.

Munaasabadda abaalmarinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay laba qori oo nooca AK-47 ah, kuwaas oo ay geesiyadu ka furteen cadowga. Waxay faahfaahin ka bixiyeen sida ay ugu suuragashay inay khaarijiyaan dhagar-qabayaasha, isla markaana ay hubkooda gacanta ku dhigaan.

Geesiyadu waxay u mahadceliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Ciidanka XDS, oo gudoonsiiyay abaalmarintan dhiirrigelinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here