Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Afrika ayaa wajahaysa xaalad qalalaase darran, gobol kasta oo qaaradda ah wuxuu ku jira marxalad colaadeed , rabshado ka dhalanaya siyaasadda iyo xaalad hubaanti la’aan ah, kaliya 24 saac ee u dambeysay ; Burkina Faso iyo Mali kooxo ka soo horjeeda nidaamka ay milatariga hoggaamiyaan ayaa weerarro ay dad ku dhinteen fuliyay , waxaa kaloo galbeedka Afrika uu wajahaysa xaalad aan horey usoo marin oo ah afduubka ajaanibta iyo Afrikanka dhaqaalaha lagu tuhmayo si looga qaato lacago madax furasho ah, Toddobaadkan keliya $500 illaa $50 milyan lacag u dhaxeysa ayaa laga qaatay shaqsiyaad ay kooxahan ku afduubeen galbeedka Afrika.
Marka la soo gaaro bartamaha qaaradda dalka hodonka ku ah khayraadka dabiiciga ah ee DR Congo , waxaa ku dhintay tobannaan qof , markii weerar ay fuliyeen Daacish iyo M23 ay ka dhaceen gobollo dalkaa ka tirsan , halka Tansaaniya in ka badan 700 oo ruux lagu dilay toddobaayo gudahood, marka laga baxayo bartamaha oo galbeedka qaaradda la socdo, waxaa ka dhacaya xasuuq aan horey loo arag oo ka socda Suudaan.
Xataa gobolka galbeedka qaaradda waxaa ka billaabmay xiisad u dhaxeysa Morocco iyo Algeria , markii golaha ammaanka u aqoonsaday gobolka saxaraha galbeedka inuu hoos tago Morocco, kaddib 50 sanno oo gobolkaa oo halgan lagu raadinayay madax bannaani uu ka socday.
Ma jirto cid usoo jeeda Afrika , waxay quwadaha galbeedka iyo bariga doonayaan in Afrika lagu kala adkaado ama ay dalalka dhexda u galaan qalalaase aan dhammaad lahayn , taa oo fursad u siinayaa inay faragelin ku sameeyaan si loo helo khayraadka ay ku fadhiyaan kuwa baahan.
Waxaa meel kasta oo ku burburaya sharciyadii bani’aadamka ay ku heshiiyeen dagaalkii labaad ee dunidda , markii laga soo baxay.
Dhinac kastana dano istaraatiji ah ayaa ku jeex-jeexmaya, cid kasta oo awood lehna waxay fidineysa gacanteeda si ay awood ugu gaarto , waxayna dalalka taagta darran ku jiraan marxalad kala doorasho quwadaha ay ku tartansiinayaan ; “Anniga mise isaga, haddii kale waan ku burburin doonaa.”
Quwadaha galbeedka iyo bariga ayaanna raadinaya goobo faa’iido u leh oo ay ku tijaabinayaan awoodooda, iyagoo dhulalkooda ka fogeynaya colaadaha ayay sidoo kale isku tijaabinayaan meelo ka fog dhulkooda.
Ma jirto cid dambe oo fursad ay dib isugu qaabeyso la siinayo , cidna looma oggolaan doono inay madaxa kor usoo qaadaan, meel kasta oo khayraadka dabiiciga ah iyo marinada istaraatijiga ah laga helayo oo ay ku yaalaan waa bartilmaameedka quwadaha awoodda is bidaya! Ummad kasta oo huraday markii qarnigii u dambeeyay ay dunidda isku diyaarinaysay marxaladda maanta la joogo , waxay hurdada ka kacayaan iyadoo ay dhinac taal mididii lagu bireyn lahaa..!
Iman Jamac



