Agaasimaha NISA ayaa kulan layeshay madaxda Hay’adaha CIA & FBI.

0
8

Jimco 3 April 2026 {HMC} Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa gudaha Maraykanka kula kulmay madaxda Hay’adaha CIA & FBI oo ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya.

Mahad Maxamed Salaad ayaa xusay in Dalalka Soomaaliya iyo Maraykanka uu ka dhaxeeyo iskaashi xooggan sidaas awgeed wadahadalkooda lagu soo qaaday in la ballaariyo dedaallada lagu garab istaagayo howlgallada socda.

 

 

Taliyaha NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa u mahadceliyay Maraykanka oo garab istaag muuqda u muujiyay Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Fedraalka Soomaaliya oo hay’adddaan Nabadsugidda ay ku jirto sida hadalka loo dhigay.

Mahad ayaa booqday xarunta Ciidamada howlgallada gaarka ah ee Maraykanka oo lagu magacaabo Fort Bragg oo ku taal Gobolka North Carolina, waxa uu kulankaas la qaatayKornayl Benander oo ah taliyaha ciidamada gaarka ah ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here