Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xilka laga qaday

0
17

Axad 12 April 2026 {HMC} Golaha Wasiiradda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh xilka uga qaaday Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in xilkaasi loo magacaabay Xuseen Khaasim Yuusuf, kadib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

12 Decembar ee sannadkii 2024 ayaa Agaasimihii hore Mustaf Dhuxulow oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow.

Mas’uulka hadda badalaya ee Xuseen Khaasim Yuusuf ayaa isagu ahaa Mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna soo noqday Guddoomiyihii Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka Dalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dowladnimada iyo amniga qaranka, waxay mas’uul ka tahay, Ilaalinta xuduudaha dalka Cir, Dhul iyo Bad.

Sidoo kale, Hay’adda ayaa ka shaqeysa Bixinta Baasaboorka Soomaaliga iyo Maamulista dal ku galka iyo la socodka dadka ajaanibta ah ee dalka soo gelaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here