spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Al-Jeeriya oo jiijisay Dhamaan heshiisyadii dhinaca hawada oo ay kula jirtay Imaaraadka...

Al-Jeeriya oo jiijisay Dhamaan heshiisyadii dhinaca hawada oo ay kula jirtay Imaaraadka Carabta.

0
24

Sabti, 07 Feb 2026 {HMC} Dawladda Al-Jeeriya ayaa laashay dhammaan heshiisyadii duulimaadyada hawada ee ay kula jirtay Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay ku eedaysay Abu Dhabi inay taageero siiso kooxo goonni-u-goosad ah oo ka jira gudaha dalka Al-Jeeriya.

Mas’uuliyiinta Al-Jeeriya ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay difaac cad oo ay uga jawaabayaan faragelin ay ku tilmaameen mid toos ah oo lagu hayo arrimaha gudaha ee dalkooda, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga qaranka, midnimada dhulka iyo madaxbannaanida siyaasadeed. Waxay sheegeen inaysan aqbali doonin wax tallaabo ah oo wax u dhimaya xasilloonida iyo wadajirka shacabka Al-Jeeriya.

Laalidda heshiisyada hawada ayaa si toos ah u saameyneysa duulimaadyadii tooska ahaa, isu-socodkii hawada, iyo wada-shaqeyntii farsamo ee ka dhaxeysay hay’adaha duulista rayidka ee labada dal.

Imaaraadka Carabta illaa iyo hadda kama aysan bixin war rasmi ah oo faahfaahsan oo ay kaga jawaabayaan eedeymaha loo jeediyay, balse ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Abu Dhabi ay doorbideyso in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal iyo is-faham siyaasadeed, halkii ay ka noqon lahayd tallaabooyin adag oo hal-dhinac ah.

Khilaafkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe ay ka taagan yihiin isbeddello siyaasadeed iyo tartan saameyn, taas oo khubaradu sheegeen inay sii adkeyn karto xiriirka dalalka Carabta qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here