Al-Zubaidi oo la ogaaday inuu isku maray Berbera, Muqdisho, una gudbay Abu Dhabi

0
29

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Golaha Kumeel Gaarka ah ee Koonfurta Yemen, Ceydaruus Al-subeydi, ayaa lagu soo warramayaa inuu socdaal qarsoodi ah ku maray qaybo kamid ah Soomaaliya, ka hor inta uusan gaarin dalka Imaaraadka Carabta oo gacan saar dhow ay leeyihiin.

Sida lagu xusay bayaan ka soo baxay Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka dagaallama dalka Yemen, Al-subeydi ayaa markab yar kaga baxsaday magaalada Cadan, isagoo ka degay Dekadda Berbera ee Somaliland.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in hoggaamiyuhu uu halkaas uga sii gudbay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku sugayeen saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta.

Saraakiishaas ayaa la sheegay inay Al-subeydi u sii galbiyeen garoonka milatariga ee Al Reef oo ku yaalla magaalada Abu Dhabi.

Socdaalkan qarsoodiga ah ayaa imaanaya maalmo ka dib markii uu Al-subeydi ku dhowaaqay in deegaannada uu maamulo ay ka go’een Yemen inteeda kale, isagoo ku dhawaaqay dowlad madax-bannaan.

Tallaabadan ayaa dhalisay xiisad hor leh oo soo kala dhex gashay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Inkasta oo markii hore ay xulufo ahaayeen, hadda waxay u muuqdaan laba quwadood oo ku loolamaya saamaynta iyo hoggaanka dalka Yemen, iyadoo Sacuudigu taageerayo dowladda rasmiga ah, halka Imaaraadkuna uu garab taagan yahay dhaqdhaqaaqa gooni-u-goosadka ee Koonfurta Yemen.

Inta uusan baxsan Hoggaamiye Ceydaruus, waxaa lagu ballansanaa shir dib u heshiisiin ah oo ka furmi rabay magaalda Riyad ee dalka Sacuudiga, iyadoo wararka tilmaamayaan inuu ka biyo diidana wada hadalladaasi.

Xaaladda dalka Yemen ayaa weli deganeyn, waxaana isku haya dalalka dariska iyo quwado caalamka ah, iyadoo dhibaatada ugu weyn ay wajahayaan Shacabka wadankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here