spot_imgspot_imgspot_img
Home ARIMAHA BULSHADA Aqoon-is weydaarsiyo lagu Wacyigelinaayo Bulshada oo lagu qabtay qaar kamid ah degamoyinka...

Aqoon-is weydaarsiyo lagu Wacyigelinaayo Bulshada oo lagu qabtay qaar kamid ah degamoyinka HirShabelle

0
58

31-Decemeber 2024 {HMC} – Waxaa si rasmi ah loo soo xeray aqoon-is-weydaarsiyo taxane ah oo ay wasaarada amniga Hirshabelle ku qabaneysay maalmahan degmooyinka Moqokori, Mahas iyo Aadan Yabaal si loo kordhiyo wacyiga iyo aqoonta culimada diinta , odayaasha dhaqanka iyo qeybaha arrimaah Bulshada ee ku saabsan arrimo muhiim ah sida is-dhexgalka bulshada, xallinta khilaafaadka, iyo doorkooda muhiimka ah ee horumarinta xiriirka booliiska iyo bulshada.

Tababaro gaar ah oo ku saabsan farsamooyinka dhexdhexaadinta ayaa sidoo kale la bixiyay, si loo xalliyo khilaafaadka bulshada una taageeraan dadaallada amniga ee heer deegaan.

Tirada guud ee la beegsanayay hawlahan waxay ahayd 225 qof, iyadoo qiyaastii 75 qof ay matalayeen mid kasta oo ka mid ah saddexda degmo.

Degmo kasta ayaa lagu qabtay kulan wadahadal ah oo socday afar maalmood, iyadoo ay ka qeyb galeen 75 qof oo si buuxda uga socday maamulka deegaanka, booliiska, iyo wakiillo ka socday bulshada. Ujeedadu waxay ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda amniga ee hadda jirta lana aqoonsado caqabadaha ugu waaweyn ee bulshada heysta.

Doodahaan waxay horseedeen in la dhiso guddi is-kaashi ah oo ka kooban daneeyayaal badan, kaas oo hoggaamin doona diyaarinta qorshayaal siyaasadeed oo si gaar ah ugu habboon baahiyaha amni ee bulshada ,guddiyaasi oo lagu dhisi doono wejiga 2aad e kulannadaani Xrifadlayaal sare oo katirsan booliiska iyo wasaaradda amniga HirShabelle aya adeegsday hab ku saleysan ka-qeybgal iyo is-faham guud oo xoogga saaraya lahaanshaha bulshada iyo xalalka ka yimaada xagga bulshada.

Sidoo kale, fadhiyada waxay isku keeneen dowladaha hoose, booliiska, iyo wakiillada bulshada si si wadajir ah loogu diyaariyo qorshayaal booliis oo si gaar ah u wajaha arrimaha amniga sida meelaha falalka dambiyada ku badan yihiin iyo weliba arrimaha guud ee nabadgelyada shacabka. Waxaa la hirgeliyay hab-raacyo aragtida bulshada lagu ururinayo, si talooyinkooda si rasmi ah loogu daro qorshaha.

Waxaa la qabtay dood furan oo u dhaxeysay ciidamada booliiska iyo xubnaha bulshada si loo xoojiyo wada -xiriirka loona wajaho arrimaha ay wadaagaan. Waxaa hoggaaminayay culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka, iyadoo wacyigelinno lagu sameeyay bulshada si ay u fahmaan muhiimada iskaashiga booliiska iyo bulshada ee sugidda amniga.

Hoggaamiyeyaasha dhaqanka waxay door dhexdhexaadin ah ka ciyaaraan xallinta khilaafaadka iyo ilaalinta nidaamka bulshada. Awooddooda oomuhiim u ah ka hortagga in arrimaha yaryar isu beddelaan khilaafaad waaweyn. Waxay bulshada u kaxeeyaan hawlo wadajir ah, isla markaana waxay noqdaan tiiir u dhaxeysa bulshada iyo hay’adaha rasmiga ah sida booliiska.

Sidoo kale, culimada diinta waxay dhiirrigeliyeen nabadda iyo isu-soo-dhawaanshaha iyagoo bixiya hoggaan akhlaaqeed, ku booriya dadweynaha inay ka fogaadaan rabshadaha, kana hortaga xagjirnimada. Saameyntooda waxay caawisaay in la xoojiyo ixtiraamka sharciga iyo wada-shaqeynta laamaha amniga.

Si lamid ah Dhalinyarada ka qeyb gashay kulanka waxay la wadaageen aragtidooda ku aaddan booliiseynta bulshada. Dhalinyarada firfircoon waxay si toos ah uga qeyb qaataan kormeerka ammaanka xaafadaha iyo ilaalinta deegaanka, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay sugidda amniga bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here