spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Arday Sudan ka timid oo deeq waxbarasho ka helay Soomaaliya.

Arday Sudan ka timid oo deeq waxbarasho ka helay Soomaaliya.

0
20

Arbaco, 3 Dec 2025 {HMC} Ardaydii ugu horreysay ee ka mid ah ku dhawaad konton arday oo reer Suudaan ah oo deeq waxbarasho ka helay dawladda Soomaaliya ayaa waxbarashadooda ka bilaabaya Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Tirada hadda timid oo gaaraysa dhowr iyo labaatan arday ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay deeq waxbarasho siin doonto ardayda dalka dagaaladu aafeeyeen ee Suudaan, taas oo loogu abaal gudayo deeqihii waxbarasho ee ay sii jiireen Soomaaliya xiliyadii dagaaladu ka socdeen halkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here